Sawirro:-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la kulmay guddoomiyihii hore

0

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay hoygiisa ku booqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Waxaa ku wehlinayay Guddoomiye Eng.Yariisow booqashadiisa Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow(Ducaale), Wasiirka Boostada Eng. Cabdi Cashur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Kulan ay yeesheen guddoomiyaha cusub Eg C/raxman Cumar Cusmaan (Yariisow) iyo guddoomiyihi hore ee Gobolka Banaadiir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa ay ugaa hadalen, siday ay uga wada shaqayn lahayen danta guud iyo danaha Gobolka.

Masuuliyiinta ayaa  sido kale waxa ay sheegeen in lo baahan yahay nabada iyo sugida amniga gobolka Banaadir,sida uu sheegay Wasiirka  Amniga, soomaaliya .

Ugu dambeyn labada Guddoomiye ayaa ku heshiiyay sidii loo qaban lahaa Guddi ka shaqeeya xil wareejinta, waxaana ay ku heshiiyeen sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi laheyd Munaasabadda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo Afar ku xigeenadiisa.