Faah Faahinno ka soo baxaya Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooga dhulka lagu aaso waxa uunaka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ayaa sheegay in qaraxaan lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda xili ay marayeen agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay rideen rasaas farabadan iyada oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay  qaraxaas Iyo  rasaas ay Ciidamadu ku fureen dadka Shacabka ah.

Xaalada Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa mudo kooban waxaa Hakad galay isu socodka dadka iyo Gaadiidka walow markii dambe ay sicaadi ah ku soo laabatay.