Muwaadin Soomaali ah oo laga sii daayay Xabsi ku yaalla Canada

0

Dowladda Canada ayaa shaaca ka qaaday in ay Xabsi ku yaalla dalkaasi ka sii deysay Cabdullaahi Cabdi oo ah Muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo la qorsheynayay in loo soo masaafuriyo Soomaaliya.

Qareenka u dooday Cabdulllaahi oo la yiraahdo Benjamin Perryman ayaa xaqiijiyay sii deynta Muwaadinkaasi oo laga sii daayay Xabsi uu ku xirnaa muddo 5-Sano ah

Muwaadinkaasi oo da’diisu ay tahay 23 jir ayaa dalka Canada soo galay, isagoo 6 jir ah, balse ma uusan helin sharciga dalkaasi,isaga oo ku noolaa magaalada Nova Scotia ee dalkaasi.

Cabdullaahi ayaa waxaa gacanta ku dhigay hay’adda xuduuda ee Canada, iyadoo lagu xukumay Xabsi muddo 5- Sano ah.

Maxkamad ku taalla magaalada Toronto ayaa sheegtay in Muwaadinkaasi Soomaaliga ah loo hesyto dambiyo kala duwan oo uu galay, iyadoo Dolwadda ay waday qorshe ninkaasi dib loogu masaafurinayo Soomaaliya.

Dad fara badan ayaa dhowr todobaad ka hor dibadbaxyo xoogan oo ay ugu soo horjeedaan musaafirinta Cabdullaahi Cabdi ka dhigay magaalooyin ku yaalka dalka Canada.