Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Booqosho ku Tegay Goobihii Wax barasho iyo Hoygii uu ka Degenaa Yaraantiisi Magaalada Dhuuso-Mareeb (Sawiro)

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaaWaxa uu soo booqday iskuulkii uu waxbarshada ka bilaabay ee Shinbiraale haatana loo yaqaano Al Ma-Muun, kadib madaxweynha ayaaa mid mid u galay fasalda uu ka kooban yahay isguulkalka waxana uu si gaara u booqday fasalkii uu waxbarshada ka bilaabay markii iskuulka la qoray.

Madaxweynah Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsn yahay in uu mudo dheer ka dib uu yimaado iskuul kii uu waxbarshada ka bilaabay iyo fasalkiisii  ugu horeeyay maantana ay utahay  maalin taarikhi ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxa uu booqasho ku tegay hoygii uu ka degenaa yaraantisii magaalada Dhuuso-mareeb, waxaana uu halkaasi kula kulmay qaar ka mida saaxibadisii ay isku xaafadaha ahaayeen iyo kuwii ay isku fasalka ahaayeen, kuwaasi oo Madaxweynaha uu dhex maray wada sheekaysi iyo isxasuusin waayihii ay soo wadaqaateen yaraantoodi.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kulan casariye ah kula qaatay odayaasha magaalada iyo dhalinyaro ku sugnayd goob ka mid goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Dhuuso-mareeb.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu soo dhex maray faras magaalaha magaalada Dhuuso-Mareeb, halkaas oo uu soo maray goobo ganacsi oo uu xusuusto yaraantiisii dadkii mulkigooda lahaa, kuwaas oo qaarkood daddkii lahaa ay weli ku ganacsadaan.