Heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna oo maanta lagu dhameystirayo Dhuusamareeb

0

Sida uu qorshaha yahay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Shirkan ayaa waxa uu qorshaha ahaa inuu qabsoomo shalay oo aheyd Arbaco, balse Guddiga qaban qaabada Munaasabaddan ayaa waxa ay sheegeen in arrimo farsamo awgeed uu u baaqday, maantana la qaban doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa maalin kahor gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagay Dhuusa-mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiska Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Sidoo kale magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku sugan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, sida Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay, waxaana Dhuusamareeb ka maqan Madaxweyne Axmed Madoobe, oo shirkan ka cudur daartay.

Magaalada Dhuusa-mareeb xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar ah oo ay yeelanayeen labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusuna, kuwaasi oo looga hadlayay sidii maanta heshiiska loo dhameystiri lahaa iyada oo la isku calool fiyow yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyuada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka, wuxuuna u sheegay in muhiim in heshiiskan la dhameystiro si horey loogu sii socdo.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda, kuwa Galmudug iyo kuwa Ciidanka Hiil walaal ee dalka aan walaalaha nahay Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusa-mareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.