Ethiopia oo xabsiga ka sii deysay Hogaamiyaha Mucaaradka dalkaasi

0

Dowladda Ethiopia ayaa xabsiga ka sii deysay hogaamiyihii Mucaaradka dalkaasi oo mudo ka badan sanadka xirnaa.

Tallaabadaan ayaa timid labo todobaadkii ka dib markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu shaaciyay in la cafiyay Kiisaska siyaasiyiinta ay u xiran yihiin si kor loogu qaado wada xaajoodka Qaran iyo in la hagaajiyo lana hubiyo hanaanka dimuqraadiyada.

Dowladda ayaa ilaa iyo hadda cafis u fidisay in ka badan 500-ruux oo loo xiray dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka qarxay bartamaha Ethiopia gaar ahaan Gobolka Oromia bishii November 2015kii.

Merera,waa Guddoomiyaha ugu sareeya Mucaaradka Oromia waxaana lala soo daayay in ka badan 100-Qof oo kula xirnaa Xabsiga dhexe ee Kilinto oo ku yaalo duleedka magaalada Caasimadda ah ee Adis-ababa.

Mar uu Mr Mereru ka hadlay sii deyntiisa ayaa sheegay iney tahay tallaabo lagu farxo,islamarkaana uu dareemo qanacsanaan mar haddii uu ka soo baxay xabsiga Dowladda Ethiopia ay dhigtay.

Wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay iney muhiim tahay in la qabto wada hadal daacad ah si loo xaqiijiyay in Ethiopia cagta saartay wadadii wax wada qeybsiga iyo hanaanka dimuqraadiyada.

In ka badan 1,000-ruux oo ka mid ah taageerayaashiisa ayaa isugu uruuriyay magaalada uu ka soo jeedo ee Burayu si ay gacmo furan ugu soo dhoweeyaan.