DHAGEYSO+SAWIRO:-Ahlusna iyo galmudug oo midoobay iyo khudbadihii goobta laga jeediyay

0

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay hirgelinta heshiiska,islamarkaana si wadajir ah looga wada shaqeeyo midnimada Shacabka Galmudug.