DHAGEYSO WAREYSI : Xildhibaano ku baxay tabashada Waxgaradka Cadaado

0

Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka tirsan gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Cadaado, iyaga oo ka baxay magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana ujeedada socdaalkooda yahay in kulamo xal loogu raadinayo tabashada waxgaradka reer Cadaado ay la qaataan.

Xildhibaanadan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Axmed Macalim Fiqi iyo Warsame Joodax ayaa xalay isku dayay in ay la kulmaan Odayaasha reer Cadaado, balse waxaa suurageli weyday in ay la hadlaan, waxaana ay ku balameen in maanta Saddexda subaxnimo ay kulmaan.

Wasiirkii hore ee Dastuurka Maamulkii C/kariin Guuleed ee Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Socdaal) oo la hadlay Radio Risaala, kana mid ah Odayaasha reer Cadaado ayaa sheegay in arrintan ay bayaan ka soo saareen, sidoo kalena diidan yihiin waxa ka socda Dhuusa-mareeb, ilaa tabashadooda laga xaliyo.

Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto shiweyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqidsho ay ku gaareen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, iyada oo weli ay socdaan tabashada lagu xalinayo Odayaasha reer Cadaado.