DHAGEYSO:-Wafdi Hordhac ah oo Gaaray Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool

0

Wasiirka wasaarada Khayraadka Biyaha ee maamulka Soomaaliland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool kuwaas oo kormeeray saldhigyada ciidamada Soomaliland ay uga suganyihiin Tukaraq.

Waxgaradka deegaanka qaar kamid ah ayaa sheegay inay soo dhaweyeen ciidamada maamulka Soomaliland xiligii ay soo gaareen gobolka Sool aysana jirin wax dhib ah oo soo gaaray ciidamadii ka socday Dawlada Somaliland.