Ciidamada Kenya oo howlgal ka dhan ah Al Shabaab ka wada Keymaha Poni

0

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa wada howlgal ay ku baadi goobayaan dagaalyahanno kat irsan Al Shabaab, kuwaas oo shalay weerar ku dilay illaa iyo 2 Qof, halka 5 ka mid ah saraakiisha Ciidamada Kenyana ay ku dhaawaceen weerarkaasi.

Joseph Kanyiri Agaasimaha howlgalka Linda Boni ayaa sheegay in aysan hakan doonin inta ay gacanta ku soo dhigayaan dambiilayaashaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu intaasi ku daray howlgallada inta badan ay ka fulin doonan Keymaha Boni, halkaas oo uu sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab

Al Shabaab ayaa kordhiyay muddooyinkii dambe weerarada ay ku qaadaan fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanada xiriiriya Xuduuda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.