Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay G/ Baay

0

Wararka laga helayo Gobolka Baaya ayaa sheegaya qarax MiinoBarqanimadii maanta uu ka dhacay degmada Qansaxdheere ee Gobolkaasi.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhacay bar Koontarool oo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaasi, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan ayaa baraha Internet-ka ku baahiyay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidanka Koonfur Galbeed, inkastoo aysan shaacin tirada ay ku dileen ama ay ku dhawaaceen qaraxaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada fariisamaha Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa DFS ay ku leeyhiin Gobollada Baay iyo Bakool.