Top News:-Wasaarada Amniga Oo Ka Hadashay Dilal Ka Dhacay Gobolka Sh Hoose

Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dilal qorsheysnaa oo ururka Al-shabaab todobaadyadii la soo dhaafay ka geysteen degaano ka tirsan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa ay sheegtay Wasaaradda Amniga Soomaaliya in ururka Al-Shabaab ay boobeen xoolo fara badan oo ay lahaayeen dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Shabaab sidoo kale ay dileen Shan ruux oo uu sheegay in ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowlado shisheeye

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka in ay u tacsiyadeyneyso dadkaasi la dilay oo Hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin sidii ay warbaahinta ugu soo bandhigi lahaayeen magacyadooda.

C/casiis Xildhibaan ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka aysan marnaba raali ka aheyn in qof shacab ah dhiigiisa la daadiyo, gacantana ku soo dhigi doonto raggii ka dambeeyay dilalkaasi.

Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, si ay u fududaato in gacanta lagu soo dhigo ragga dilalka geysta, iskuna daya in ay baxsadaan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji oo sanadkan bilowgiisa la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay Shabaab sanadkii 2017 in ay kordhiyeen dilalka iyo qaraxyada ay ka geysteen, balse sanadkan ka maamul ahaan ay ka hortagi doonaan weerarada Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO+SAWIRO:-Warbixin Socdaalkii madaxwaynaha ee Balanballe ,Xeraale iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Socdaalkii uu ugu magacdarey Socdaalkii Nabadda iyo Dib ...
Akhriso- Madaxweyne C/wali Cali Gaas oo Soo saaray War Farxad Galiyay Shacabka Puntland
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdwali Cali Gaas oo ku sugan  Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ...
Ciidamada Dowlada Afgaanistaan Oo Soo bad baadiyay 150 qof Oo lagu Weerar Hotel kuyaala Caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul
- Jan 21, 2018
Ciidamada dalka Afhaanistaan ayaa soo Afajaray saaka howlgalkii ay ku qaadeen Weerar kooxo hubaysan ...
Madaxweyna Oo Saaka Dhagax dhigaya Dhismaha Dekeda Hobyo
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka waxaa lafilayaa in uu dhagax dhigo dhismaha ...
Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u ...