Faah faahin: Qarax ka dhex dhacay Guri ku yaalla Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Guri ku yaalla degmadaasi uu ka dhex dhacay Qarax.

Qaraxan oo laga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari, kaasi oo sida Ciidamada ammaanka ay sheegeen in lagu diyaarinayay guriga uu ka dhex dhacay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen nin ku sugnaa guriga, oo looga shakisan yahay in qorshahan uu watay.

Sidoo kale Hay’adaha ammaanka ayaa la wareegay guriga qaraxa uu ka dhacay, ilaa laga soo saarayo baaritaanada ugu dambeeya, ee la xiriira qaraxan iyo cida ka dambeysay.

ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, oo dadka degaanka xalay ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.

25-kii October 2017 inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee degmada Kaaraan xilli habeen ah waxaa ka dhacay Qarax guri lagu diyaarinayay, Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay.