DAAWO VIDEO : Puntland oo Dagaal Culus ugu Hanjabtay Maamulka Soomaaliland.

0

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalkii Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Cabdiweli Maxammed Cali Gaas ayaa ugu horrayn Somaliland ku eedeeyay in ay carqaladeynayso safarka Madaxweyne Farmaajo iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed,islamarkaana ay garabsiinayso Al-shabaab iyo Daacish.