DHAGEYSO : Wasiirka Arimaha Gudaha oo Si Adag oga Hadlay Daan-daansiga Xaduuda ee Dalka Kenya.

0

Magaalada Belad xaawo ee Gobolka Gedo weli waxaa ka taagan xiisad aanan natiijo sax ah laga gaarin, taasi oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Kenya iyo Shacabka Baled xaawo.

Xiisada ayaa ku bilaabatay kadib markii ay dowladda Kenya bilawday in ay darbi ka dhisato soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Saciid Faarax (Juxa), Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Senataro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa kulamo xog wareysi la qaatay shacabka Baled xaawo.

Shacabka ayaa masuuliyiinta ay la kulmeen waxa ay warbixin ka siiyeen xaalada Baled xaawo iyo dhibaatoooyinka ay kala kulmaan Ciidamada Dowladda Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo xaqiijiyeen sida ay wax u jireen, arrintana ay wax ka qaban doonaan.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin in dhul Soomaaliyeed la qaato, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay si qoto dheer uga wada hadli doonaan labada Dowladood.

Dowladda Kenya ayaa ku gardarootay dhul ay leedahay Soomaaliya, iyada oo gabaad uga dhiganeysa in ay dhiseyso darbi ay uga hortageyso weerarada kaga imaanaya ururka Al-shabaab.