Sawirro:-Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaaal Maxamed Xasan ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaasi Puntland.

Ugu horreyn Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay.

Waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ka tagay deegaanada Puntland, isagoona halkaasi kulamo kula leh Madaxda Maamulkaasi.

Dhawaan ayaa la filayaan in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland uu booqasho ku tago Madaxweyne Farmaajo” si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladaha ka jira deegaanada Maamulkaasi.