SAWIRRO:- Laba Sarkaal iyo Afartan Askari oo loo xiray weerarkii Guriga Senator Cabdi Qaybdiid iyo baaritaan xoogan oo socda.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Gorod oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Taliyaha in uu sidoo kale xabsiga dhigay laba sarkaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Isku soo wada duuboo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay Weerarka ayaa sheegay In baaritaan uu socdo,islamarkaana caddaalada la horkeenayo cida ka danbeysay weerarka.