Munaasabad lagu daah furayo Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabanayo

0

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Qabanqabaada Munaasabadda ayaa si habsami leh uga socoto Muqdisho, taas oo la filayo in uu ka qeyb galo Madxaweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo”iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan 2 Gole ee Dowladda.

Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi “Cabdiraxmaan Dheere” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay la soo wareegto maamulka Hawada oo tan iyo sanadkii 1991-kii laga maamulayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in la rakibay dhammaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, kaas oo xaruntiisu ay tahay garoona diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa dhowr 20-kii Sano ee la soo dhaafay waxaa gacanta ku hayay Hay’adda ICAO oo fadhigeedo yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

La wareeginta Dowladda ee Maamulka Hawada ayaa ah Guul ah u soo hooyatay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed