WARBIXIN+SAWIRRO : Farmaajo oo La Kulmay Guddomiye Ku-xigeenka Ururka Midowga Afrika& Taliyaha AMISOM.

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la kulmay Guddomiye ku xigeenka Ururka Midowga Afrika & Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya.

Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaana looga hadlay xaalada ciidamada AMISOM iyo iskaashiga ciidamada dowladda.

Ku xigeenka wakillka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo iyo taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Osman Noor Soubagleh ayaa madaxweyne Farmaajo ku wargeliyay xaalada Ciidamadda AMISOM iyo caqabadaha heysta.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay wadashaqeynta AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo aan faahfahin dheeraad ah laga bixin kulanka oo imaanaya xilli adag oo AMISOM ay qeylo dhaan kasoo saartay dhaqaale darro heysata oo keentay inay shaqeyn waayaan.