FAALLO-KOOBAN:- Waayo Mucaaradka Maanta?

Mucaaradka maantey ee Soomaaliya waa kuwii diley AUN Gen Caaydiid, Mucaaradka Maantey waa kuwii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan u diidey Muqdisho inuu doowladnimada u saldhigo.

Mucaaradka Maantey waa kuwii maxkamadihii dhabarka ka jebiyey.

Mucaaradka maantey waa kuwii AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo R/wasaare Geeddi diidey ineey xukumaan.

Mucaaradka maantey waa kuwii Madaxweyne Sheekh Shariif kala horyimid diidmo iyo dacaayad.

Mucaaradka maantey waa kuwii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 4 Sano qeeylada la dabo taagnaa, caayda magac bixinta dumin iyo dagaal beey kala hor tageen.

Hadaba kuwaasi waa kuwama?

Kuwaasi waa kuwa diidan maamul doowladnimo Nabad iyo horumar ineey Soomaaliya hesho ujeed kooda waa ineey wanaag kaste xumaan kala hor tagaan.

Waa ineey qof kaste oo wanaagsan u sawiraan inuu xun yahey. Waxeey badan kooda u shaqeeyaan doowlado shisheeye oo aan rabin Soomaaliya oo nabada marka kooxahan beey adeegsan shisheeye.

Waxeey diidan yihiin maahan Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre ama qabiil gaara ee waxeeysan rabin Muqdisho oo nabad noqoto kala dambeeyn iyo sharci ka shaqeeyo Soomaaliya.

Marka hadaad Soomaali fiyoow aad tahey waxaa kula gudboon ineeysan qabyaalad kugu beerlaxoowsan qaran diidka iyo Soomaali diidka.

Ogoow oo maanka ku heey 150 million oo cadoow Soomaaliyeed ah baa nagu wareegsan kuwa oo nagu neceb Diin iyo Dalkeena hodanka oo la doonaya inta nala kala qeeybiyo in nalaka qaato taasna qabiil kuma badbaadi karo midnimo kaliya ku difaaci karta adoo qabyaalad katago.

Gabagabadii Diid dawlad diidka daneeystayaalka qabyaalad iyo qeeybin dabadhilifka aan diidno.

Ilaahey dalkeena nabad haka yeelo aamiin.

Muwaadinad Soomaaliyeed

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. cubeyd says:

    In muwaadin somaliyeed cadowga loo dhiibo in siyaasigii waxdhaliila hala dilo layiraahdo indhalinyaro somaliyeed lalaayo hal God lagu Rido midaas miyaa qaranimo ah ilkyareey xishooda taariiqda mabedeli kartaane

  2. Waar says:

    Siyaasi maha er siyaasiyow xaalwaado
    Waa gef in loogu yeedho siyaasi oo dowlad shisheeye u shaqeeya
    Waar hataa maxkamadii baa laaluusheen
    Waa in laxidhaa waxaa oo kale
    Waa qarandumis taa waxaa udaliil aha in uu yidhahdo Marti baa dowladu tahay meyynan taa tusale aheen heerkuu ka gadhsiisanyahay QARANIMO

  3. c/qani says:

    MUHIIMADA QORAALKU WAA (150 MILYAN) OO CADOW AH AYAA NAGU HAREEREEYSAN.

    SOOMAALIDU WAA IN AY TOOBADKEENTAA ISUNA TANAASUSHAA, NOOCAY DOONTO HANOQOTO MEESHII AY DOONTANA HAJOOGTO.

    ITOOBIYA IYO KENYA” HALA ISKA XOREEYO?




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO+SAWIRO:-Warbixin Socdaalkii madaxwaynaha ee Balanballe ,Xeraale iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Socdaalkii uu ugu magacdarey Socdaalkii Nabadda iyo Dib ...
Akhriso- Madaxweyne C/wali Cali Gaas oo Soo saaray War Farxad Galiyay Shacabka Puntland
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdwali Cali Gaas oo ku sugan  Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ...
Ciidamada Dowlada Afgaanistaan Oo Soo bad baadiyay 150 qof Oo lagu Weerar Hotel kuyaala Caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul
- Jan 21, 2018
Ciidamada dalka Afhaanistaan ayaa soo Afajaray saaka howlgalkii ay ku qaadeen Weerar kooxo hubaysan ...
Madaxweyna Oo Saaka Dhagax dhigaya Dhismaha Dekeda Hobyo
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka waxaa lafilayaa in uu dhagax dhigo dhismaha ...
Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo socdaalka dib u heshiisiinta ku maray Balanballe, Xeraale, Huurshe iyo Caabudwaaq
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u ...