FAALLO:- SALAAD CALI JEELE WAA NIN QARAN.

0

Masuul Xildhibaan Saalad Cali jeelle waa nin ruug cadaaya ahna siyaasi marka laga hadlayo,xildhibaanada labada gole taasoo uu kaga jiro safka hore.Maha in aan ka sheekaynayo mudane salaad taariikh nolo leedkiisa oo dhan,hasa yeeshee waxaan dulmarayaa toboneeyadii sano ee u dan baysay iyo doorkiisa siyaasadeed. Mudane Salaad waa nin leh akhlaaq sare oo aad garan karto in uu kasoo jeedo waalid iyo ehelo xalaal miirad ah oo ku tarbiyeeyay asluubtan iyo dhaqankan wanaagsan ee aynu ku baranay salaad,kolkaa waalidkii waa mahad sanyihiin.Salaad waa nin leh cilmi diini ah islamarkaana leh aqoon maadi ah.

 

Mudane Salaad waxa uu la soo shaqeeyay rag wada ruug cadaaya oo lanoolaa shaqana ka soo qabtay xiliyadii dawladii Adan Cade iyo tii Siyaad bare ee u danbaysay.Ragaa waxaan ka xusi karaa Madax wayne Abdullahi yusuf oo ay soo wada shaqeeyeen.Salaad waxa uu kamid ahaa tiirarka aadka u adag ee ay ku taagnayd dawladii mudane cabdullahi yusuf illaahay ha u naxariistee.Had iyo jeer halka ay dadku ku mashquulaan dhuuni aduun iyo qabyaalad xarka goosatay salaad waa ka nabad galay arimahaas,oo waxa uu arkayaa had iyo jeer dawladnimo soomaalinimo in ay tahay waxa qof u yeela sharaf iyo mustaqbal aduunkuna uuga haybaysto kuna qiimeeyo.

 

Salaad waxa uu kamid yahay maskaxda iyo indhaha soomaaliyeed ee dhidibada u aasay dawladnimada maanta aynu haysano.isagoo sanooyin u soo halgamay sida dalkeenu uga bixi lahaa fawdada iyo dawlad la aanta.Mudane Cabdullahi yusuf oo dalka la rabay in uu kusoo dabaalo nabad iyo sharci iyo dawlad nimo hadafkiisuna ahaa soomaaliya oo hesha dawaldnimo,dana aan kalahayn shilimaan la aruursado salaad waa kasii xageeyay cabdullahi dhanka aragtidaas waana tan keentay in ay aheeyeen saaxiibo dhaw oo dadka wax magara tada ahi qaar kuba colaadiyaan salaad ilaa maanta.

 

Salaad Jaalle waa wadani ay la wayn tahay dawladnimada sharciga iyo kala danbayntu.waa geesi u diidaya soomaali ceebta naftiisana u huray in dalkiisa uu samato bixiyo.Salaad waa nin illaahay siyay xikmad iyo karti iyo geesinimo qofka noocaan ahi maha munaafaq kun wajiila ah sida aynu ku aragnay kuwa khaladka ka fahmay siyaasada ee markay sharaxayaan dadka uugu sheega siyaasado waa khiyaano iyo been halka siyaasado ay ka tahay illaalinta bulshada naftooda iyo maalkooda iyo sharafkooda,wadaniyada,runta,daacadnimada,oo dadka lagu hago ayaa ah siyaasad.khiyaano iyo been waa camal shaydaan oo cadaab kuu horkacaayo mana aha siyaaso.nin baa laga shagay ” waxay na badeen waxay na bareen baa iiga sii daran ” siyaasadii waxay kufasireen baa yaab leh.

 

Mudane Jeelle umada soomaaliyeed wanaag bay u haysaa hawlihii uu usoo qabtay dalkiisa,hadaynu is waydiino wanaagiisa sheegnay ee muxuu dhaliil leeyahay Salaad? waa suaal furan salaad dagaal oogana ma ahayn,guri dad leeyahayna ma ahaysto,xoolo dawladeed iyo kuwa dad wayne oo dhacayna majirto oo lagu haysto,waa wadani nadiif ah oo had iyo jeer u taagan diifaca dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed.Laakin xan yar baa jirta oo Salaad loogaliyay suuqa oo looga dhigay eed, waxay tahay AXMAARAAD DALKA KEENTAY SALAADOOW! ayagoo aan xataa kala fahan sanayn in axmara tahay uun qowmid kamid ah kuwa eihtiopia! bal nin kule cadaw baan leeyahay hadana aan kala aqoon waxa cadawgiisu yahay iyo magaca uu ugu yeerayo? hadii qowmiyad laga hadlayo hade ahmara dalka hada maba haysato waxaa eithiopia haysta Tigree.markaa waxay ula jeedaan baan oranaynaa inagoo u ceeb qarinayna eithipia ayaad dalka keentay ood soo galisay salaadoow.

 

Salaad dalkiisu malahayn dawlad shaqaysa sharci iyo kala danbayn,waxaana u danbaysay 1991 dii.xuduudaha dalka salaad malaha dawlad illaalisa,cid walbaa iska soo galaysay bad,cir,iyo dhulba iyadoo laga faa iidaysanayo dawlad la aanta heshay dalkii salaad nasiib daro.waxaa aduunyada ka dhacday argagixiso dalalkii dawladaha lahaa ee ilaashanaayay dalkooda qarkood khaati ka istageen oo amaankoodii khalkhal galiyay.waxay gabaad ka dhigteen oo noqotay meel lahelay dalka soomaaliya.kadibna cidii cayr sanaysay ayaa kaga daba timid oo dalkeenii waxa uu noqday goob lagu hardamo oo layku baacsado oo gacanba aan inoogu jirin.

 

Dawladaha afrika ayaa lasoo kiraystay oo lamaal galiyay in ay dalkeena kasaaraan argagixisada islamarkaana ilaaliyaan dawlada soomaaliyeed ee aan lahayn ciidan iyo dhaqaale.Aduunkaa go aan ka gaaray in dalka soomaaliya la geeyo ciidamo afrikaan ah kharashkoodana la bixiyo.Eithiopia waxay kamid tahay dalalka lagu dhaqaalo siiyay in ay galaan soomaaliya.Salaadaa awoodaas lahaa oo dawlado u yeeran kara oo warkiisa dalkeena lagu soo galaa oo xikmadiisay kusocdeen oo waxaas kharash ku baxaya asagaa bixinaayay warhooy warkaasi waa gardaro cad iyo faduul lala maagay Salaad.dad aan siyaada caalamkaba la socon oo aan garan karin sababta dalkeena loo soo galiyay eithiopia iyo ciidamada kale ee afrikaanka ah,oo ah “lax dhukani col iyo abaarba moog” ayaa ku sheekeeya salaad ayaa keenay eihtiopia.waxayna u duraayaan wadaniyadiisa iyo haybadiisa ayaa loo quuri waayay,qabiil ayaa lagu durayaa maxaad dalka u difaacee oo aad soomaaliya dawlad uugu rabtaa ayaa salaad lagu maagay.

 

Aanba tooda u raacno ka dhigno salaad nin eithiopia dalkeena soo galiyay,dawladihii xiligiisa ka danbeeyay waa uwada yeerteen oo waa wada arkaynaaye see wax yihiin ma dawladkastaa salaadoowday oo jeelloowday! hadiise sheekheenii salaad noqday inagiina aan wada noqonay ardaydiisii oo looxa daba jiidayso,sow maha in sheekh salaad waxa uu nabaray ee aan ku faa iidanay u qiro isaga oo ugu ducayno oo ku amaano maha? mise inagaa is bari yeela oo isagaan ku eedaynaa? suuro galmaha aqli in lala yimaad yaaroon.eithiopian cid lasoctay oo la dacweeyay mahayno,cid diiday mahayno oo aan lasocon mar haday sidan tahay salaad waa ladulmiyay caqliyada noocaas ahna xaal salaad kama sugaayo maxaa yeelay halka garashadu tahay ka fahan.

 

Mudane salaad xikmadaa ah waa ninkaa dhan walba ka ah nadiifta,waxaan maanta wada aragnaa in uu yahay halyay muuqda oo garabtaagan jiritaanka dawladan iyo sidii ay u hanan lahayd dalka oo dhan ugana bixi lahayn folxumada dawlad la aanta. salaad waa nin qaran kana wayn koox iyo qabiil iyo aragti gaaban.Waxaan aad u jeclahay in aan la qarin raga dalkaan u taagan halgankiisa ee muuqda.Mudane salaad waxaan u rajaynayaa in uu guran doono taariikhduna xusi doonto wadaniyadiisa soomaalinimadiisa miraheeda waana siyaasi leh mustaqbal cad.waxaan kusoo gaba gabaynaa anoo sheegi doono wanaaga salaad oo hada aan dulmaray uun,Salaad ninkii ogi waa og yahay ninkaan ogeeyn hadaba ha ogaado waa wadani salaad waa geesi ka dhashay dad xoogleh baladkaana nabad iyo dawladnimo ayuu karabaa.shacabka soomaaliyeed dhamaan waa taageer sanyihiin wadani salaad cali jeelle.ku qabiil ma ihi dhab ahaan laakiin maanta waa ninkaan uugu jeclahay siyaasiyiinta waana walaalkay maxaayeelay diinta iyo dadka iyo dalka ayuu tiir u ayahay.

 

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com