FAALLO:- DAWLADNIMADA SOOMAALIYEED KA WEEYN MID BEEL U SII XAYIRAATA 30 SODAN SANADOOD KADIB.

0

Dalkeena soomaaliya waxa uu dawlad la aan yahay mudo sii caga cagaynaysa nus qarni.wadamada aynu dariska nahay sida Kenya iyo Eithiopia waxay gaareen hormar aad u balaaran,dhanka aqoonta,dhanka nabad galayada,dhanka dhismaha dalka,dhanka dhaqaalaha.waxaana uugu wacan amaanka iyo kala danbaynta ay haystaan oo ah in sharcigu taliyo oo dalka dawladi maamusho taasoo suuro galisay in shacabkoodu leeyahay mustaqbal iyo sharaf aduunyadu ku tix galiso oo looga haybaysto.

 

Dalka soomaaliyeed malaha mudo dheer sharci iyo kala danbayn oo ah in aan dawald jirin dalka gacan ku haysa mudo dheer.Tani waxay keentay in dadkii soomaaliyeed,ku habsato colaado joogta ah,macaluul iyo dawo iyo cunto la aan,dhiigooda oo la qubo,nin walbaa kuu muquunin karo muquuniyo oo nafta ka jaro,in lay dhaco lay dilo. in xuduudaha dalkeena bad iyo bari iyo cir iska furan yihiin,in shisheeye ka dhigtay hooyga uu inta xun kula soo dhuunto,haday ahaan lahayd daroogada lagu beero dhulkeena,haday ahaan lahayd mida maafiyada aduunku isku waydaarsato,haday ahaan lahayn sunta lagu shubayo badeena iyo barigeena ee shisheeyuhu ku shubaya isagoo haysta dad soomaaliyeed oo dilaalay ah kana ganaacsada inta xun oo dhan. waxaa dalkeena la xadaa caruurta oo laga gadaa dalal shisheeye shirkada hood,waxaa dadka soomaaliyeed lagala baxaa kalyaha iyo xubnaha qaarkood oo shirkado aduunyaduba ka qaylisay ayaa dalkeena jooga oo la shaqaysanaya dilaaleey soomaaliyeed.

 

Dalkeena caqiidadii ayaa lala dagaalamay oo hada waxaa ka jira dad aad u badan oo aan aamin sanayn diinteenii ahayd islaam suni shaafici ah.waxaa soobaxay caqiido dadkeena lagu badalayo.dalkeenu waxa uu hooy u noqday dad afka duubtay oo diin ku gabanaya oo shacabkeena gawracaya oo halaagaya.waxay dadkeenii noqdeen kuwo dal iyo dibadba dulaysan oo aan aduunyadu qiimaynin oo tusaale laga dhigto.waxaa soomaalidu noqotay dadka aduunyada uugu hooseeya ee cid walbaa ka faanto oo layaso la quursado.waa dalkeena ka dilaacday maafiyo dawlad diid ah.

 

Waxaa dalkeena ku socda in lakala qaybiyo oo dhawaan qayb kamid ah lagu dhawaaqayo inay tahay dawlad gooniya iyo mid kaloo ku daba jirta wax yar kadib.waxaa aduunyadu u aragtaa xal iyo in dadka soomaaliyeed iyagu sidan rabaan.

 

Waxaas oo dhibaato ah wax kale maha waa dalkeena oo aan lahayn dawlad dhibku waa dawlad la aanta.Cidkasta waa iska celin lahayn hadaynu dawlad nahay,dadka soomaaliyeed wuu kala bad baadi lahaa hadaynu dawlad nahay sharaf baynu yeelan lahayn oo dad jira ayaynu ahaan lahayn lamana quursadeen ee waa layna qadarin lahaa.wadankeenu wuu hormari lahaa dhan walba.Waxaa dalkeena hada ka jira dawlad madax waynaheedu yahay sidaynu wada ogsoonahay nin cod aqlabiyad ah lagu doortay,nin xiligii uu 6 bilood ahaa raysal wasaare dalka iyo magaalada MOGDISHO ka qabtay shaqo fiican oo la arkay hawlkarnimadiisa iyo daacad nimadiisa iyo wadaniyadiisa taasoo lagu doortay.

 

Dadka soomaaliyeed waa ninka kaliya ee laysku wada raacay oo loo dabaal dagay dal iyo dibadba.markuu hawl galay mudo yar oo kayar sanad oo bilo ah ayaa wax aan hore loo arag ka qabtay dalkeena.waxa uu Mudane farmaajo sameeyay xasilinta caasimada dalka oo uu u sameeyay ciidamo gaara,kuwaas oo ka dhigay nabad iyo amaan.Malihin intuu joogay wax qarax ah lama samayn oo cadawgu dagaalka waa ku jiraa oo way dhacday qarax laakiin waa lasoo afjaray mudo yar. waxaad soomaaliyeey illaahay hortiis aan wada aragnaa in Madaxwayne farmaajo ciidamadii ka saaray milatariga ahaa badan koodii MOGISHO,dhanka kalana in uu gobolada dalka ku duulay oo meelay ku dhuumanayeen ee MOGDISHO uuga soo dulayeen shabaabku uu ugu tagay oo kasaaray oo uu ka dhigay wax la dilo iyo in yar oo baxsatay iyo wax la qabtay. Hadaan lays xaqiraynin oo aan illaahay soomaaiyeey ka yaabayno Madaxwayne farmaajo hortii ma ninbaa shabaab sidaa uula dagaalay oo uugu tagay meeshoodii inta ka sifeeyay mogdisho?nicmada illaahay ma qarinkaro waana ku shukriyaynaa amaankaa madaxwayne farmaajana waa u mahad celinaynaa oo ma xaqirayno.

 

Madaxwayne Farmaajo waxa uu wax ka qabtay dhaqaalihii la musuqmaasuqi jiray,shaqalaha dawlada oo dhan ciidamda nin walbaa waxa uu helay mushahar kiisii oo joogta ah bilwalba,miisaaniyad baa lahelay,oo inoo taal dal ahaan aduunkii ayaan lamid noqonay oo sharfkeenii dawlad nimo ayaa soo muuqday.dawlad aan dalkeeda gadanayn oo dhacaynin ayaa la arkay laakiin dhisaysa oo u naxaysa.waxa lagu guulaystay in daymankii laynaga cafiyo maadaama aynu lanimid haybadii lagu yaqiinay soomaaliya ee waydan la lumiyay nasiib daro.

 

Mudane farmaajo waa hogaamiyihii waxan oo dhan looga dayanaayay,hasa yeeshee waxaa sharafkaa laleh oo lamid ah oo doon la saaran raysal wasaare khayre iyo golihiisa sida raga aan la ilaawi karin ee dr bayle iyo Juxaa labada aqal oo u diiday damac kasta oo shisheeye ku doonay in uu ku gato xildhibaanada soomaaliyeed si dalkeena taladiisa ay u maamushaan.baarlamankeenu waxa uu ka xaroogaadaa mooshin oo ah dawlad ma rabno tanoo dalkeena lagu soo curyaamiyay dawladihii hore ee laysku dayay.

 

Mudax wayne farmaajo iyo raysal wasaare khayre waxay u shaqeeyeen qaabka dawlad nimo ee aduunyadu u shaqayso,oo ah in ay u shaqeeyaan danta dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed.dadkii soomaaliyeed ee shisheeyuhu samaystay xiligii burburka dalkeena ee shilimaan inta lasiiyo dalkeena ka hortaagnaa dawladnimada ayaa hada yaaban oo leh waa maxay madaxwayne iyo raysal wasaare aan dagaalamaynin? waa maxay baarlamaan aan mooshin keenaynin? dawladay la qabsan la yihiin.hadana waxaa socotaba in ay sharciga la yaaban yihiin oo ay lee yihiin waa siyaad bare!! sharcigii bay u yaqaaniin siyaad bare oo ay ula jeedaan maxkamad iyo xarag iyo danbiile iyo khiyaano qaran waa maxay? waxay la yaaban yihiin oo xildhibaan malaxiri karaa?

 

Waxa hada soobaxay oo dawladan isku hor gudbay beel,beeshaasoo 1991 timid mogdisho qabsatay oo ah beesha hada uugu xooga badan beel ahaan oo dagan mogdisho kana samaystay suuqa bakaraha hayana dhaqaalaha mogdisho oo koontaroola isma waydiinayno halkee kayimid dhaqaalahaasi? xagee laga kasbaday?waayo waa wada fahan sanay.waxay diideen sidaynu wada ognahayba in sharcigu fulo oo laga baxo waxa lagu jiro oo ah in cid walbaa hub iska wadato qof walbaana dilo kuu is yiraa waa ka itaal roontahay maanta,waxaan u jeedaa dilkii wasiir SIRAAJI oo ay si cad u dishay gacan ka xaqdaran,ayaa beeshu soo baxday oo madaxwaynihii qaranka ka hor istaageen in uu sharciga fuliyo uu xukumay sharciga dalku.lama arag beel ama beelo kale oo kuwa halkaa dagan ah waa mogdisho ee oo dulmigaa ka dhiidhiyay oo yiri beel yahay ka hor dhaqaaqa sharciga iyo dawaldnimada. hadaan qodobkaan dul istaago hadii aan shacabka soomaaliyeed usoo istaagin oo uusan difaacan dawladiisa iyo dalkiisa iyo diintiisa kuwa hortaagan sideen ku helaynaa dal leh dawlad nidaam iyo kala danayn oo xor ah? dawladnimada hadaynaan u dhiman shacab ahaan oo kuwa hortaagan iska dhicinin oo nafta aan lahurin sideen ku helaynaa amaan iyo dawladnimo iyo mustaqbal caruurteena?

 

Mawaxaan niraahnaa Farmaajaa wax walba inoo qaban kaligiis? Madaxwayne Farmaajo waa nin illaahay yaqaan waxaan hubaa in uusan ahayn nin qabiiliste ah,waxaan hubaa in uu san ahayn nin isleh halkan ka taajir oo lacag aruurso,waxaan hubaa in uu yahay wadani geesi ah akhyaar dharaf dhameeyay.Farmaajo waxa uu jecl yahay in Mogdisho uu ka dhigo caasimadaha aduun yada uugu dhismaha quruxsan,uugu tacliinta badan,ka qurux badnaata NARIROBI IYO ADIS.ABABA. waxa uu rabaa soomaaliya oo laga xoreeyo cadawga afka duuban,kadibna yeelata dhaqaale iyo maal gashi,waxa uu rabaa shacabka soomaaliyeed inay helaan nabad iyo nolo iyo sharaf oo ay ku noolaadaan sinaan iyo cadaalad iyo soomaalinimo,waxa uu ina barayaa oo ina lee yahay warkataga oo iska daaya qabiil qabiil.

 

Farmaajo kama socdo maamul goboleed uu dhistay mana aha nin jecel kala qoqobka dalkiisa.Waxaa arimahaan diidan dawlado iyo dad ay inagu dhexbeerteen oo u taagan shaqo ah yaysan soomaaliya helin dawlad iyo kala danbayn,waxay arintaa ku bixiyaan maal farabadan iyo maskaxba,waana cadaw soomaaliyeed.

 

Marlabaad waxaan arkaynaa ninkaa Madaxwaynaha ah waa FARMAAJO ee, oo intaynu dawladba ahayn madax ina soomarta oo lamid ah aan la arag xaga daacadnimada iyo jaclaanta dadkiisa iyo simida dadkiisa iyo jacaylka dalkiisa wax lamid ah maynaan arag soomaaliyeey baara taariikhda.ninka noocaas ah ee ilaahay ina siiyay soomaaliyeey,ayaa hadana marlabaad isla beeshii hor istaagtay in sharcigii la fuliyo oo sharcigu shaqayso!! waxaa lasoo qabtay nin xildhibaan ah lagu tuhmay siro waawayn oo qodon ilaa heer dawlado shisheeye u adeegidood,taasoo dawlad kastoo jirta caalamka waa laysku waa faqsan yahay qofkii qarankiisa sidaa u khiyaama isagoo waliba ah masuul ah xildhibaan,waa la dilaa xataa maha xabsi waayo waa jaajuus halis galiyay nabada iyo xasiloonida qaranjira.Laakiin hadaynu soomaali nahay maba jeclin dalkeena dawladnimadeena iyo sharafkeena,ninkastaa haduu ka yeelo siduu doono uma danqanayno ciideena hooyo waana raganimo xumo sidaasi.

 

Waxaa kulmay beesha odayaashoodii,cuqaashoodii,culimadoodii,haweenkoodii iyo dhalinyaradoodii oo dhan,Cabdishakuur oo ah nin ku caan ah beecinta diinta dadka iyo dalka soomaaliyeed kana doortay shilimaan,oo aynu warbaahinta kenya iyo tan caalamkaba ka daawanaynay isagoo badeena u sixiixaya kenya,oo damac aduun qaaday ayaa ileen lacag shisheeyaa socota oo uu hayaaye la difaacay oo marlabaad layiri CAR HALA TAABTO NINKEENA!! si loo kala bad sadaybana oday walbaa xoogaagiisii loo balan qaday lasiiyay. waxay banaynayaan oo hor seedayaan in dalkeenu lahayn sharci iyo dawlad,waxay wadaan fariin ah uma baahnin shirci naqabta iyo dawlad midna iyagu waa dawald diid.

 

Waxaan arkaynaa in layiri heerkay gaareen maxkamad banaadir ayaan saaroo waaba danbi la aan oo isagaaba larabaa hada in dawladu siiso magdhaw iyo aduun.waxaa ku fahantaa qiimaha iyo saraynta shaqsiyada farmaajo iyo geesinimadiisa iyo in uu yahay nin qaran xataa waxaa loo yeertay kuwii uu aaminay oo doonta la saaraa oo kala ahaa wasiirkii amaanka iyo duqii magaalada,oo shacabkii soomaaliyeed hada ka horleh,hawshii ay fuliyeen iyo xildhibaankii ay soo qabteen sida sharciga dawligu bayahay,inay gadaal u laabteen oo ay leeyihiin wiilashiinii oo khaldamay ayaan nahay cabdi shakuura waa laga gardaran yahay!! beeshaas xooga badan ayay naftooda uuga baqeen. qiimaha madaxwayne farmaajo iyo xaalada u ku jira halkaa ka fahan; waxaana weeye Madaxwayne Farmaajo Nin Gob ah oo ay Guni rifayso.

 

Markaad eegto midkan dawlada isku horgudbay,garanay oo waa wada aragnaa,bal kawarama kan kule dawladaan kula wadaa xaalkiisa? Madaxwayne Farmaajo,suuqa hooyada aada ee imaheeda quud u raadinaysa ee danbiisha wadataa una bahaan nolol iyo amaan keeda oo lasugaa maha Farmaajo,ilmaha gawraca iyo tacliin la aanta kii helaana meel yaroo wax ka dhigto amaan la aanta iyo cabsidu hayso maha farmaajo,shacabkoo hele amaan oo nabad ku ganaacsada oo maskaxdoodu fayawdahay oo cabsi kamaran ayaa farmaajo rabaaye maha isaga kan suuqa taagan.in mogdisho nabad noqoto dadku xasilaan sharaf ku noolaadan sharci iyo kala danbayn iyagay anfacaysaaye maha uun dan farmaajo.waxaa waajib ah in dadka soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka mogdisho garto fahmo cida danta u wada iyo cida la rabta in shabaab ku soo laabto oo wax la baado iyo wax la bireeyo laga dhogo. dawlad nimo iyo dawlad la aan kala fahmaan.

 

Farmaajo maha nin beeleed waa nin qaran dalkeena ayuu ha gaajinayaa,mana aha mid waligii kursiga fadhiyaaya war hooy aan ka faa iidaysano wanaaga iyo dawladnimada iyo soomaalinimada uu wado oo dhaxalo.waxaa waxaan marnaba la aqbali karaynin dad soomaaliyeed oo midabkeena leh,oo afkeena ku hadlaya,oo diinteena haysta,oo aynu u garanayno in uu yahay ina hebel,hadana doonaya in mogdisho aysan waligeed helin nabad iyo amaan!! waxay dadkani kasoo horjeedaan in soomaaliya hesho dawladnimo danbaba; iyagaa ka xun cadawga shisheeyaha ah maxaa yeelay kaa shisheeyaha ah waad iska garan markiiba,laakiin kan wuu kugu dhexjiraa.Kolkaa sina uma aqbalayno noocyadaan.

 

Waxaan u rajaynayaa dadka soomaaliyeed inay ilaashadaan,dawladnimadooda,dalkooda,diintooda iyo in ay helaan nabad iyo nolol si taa loo gaarana waa in meel looga soo wada jeed sadaa cid kasta oo dawaldnimada soomaaliyeed ka hortimaada.waa in aan qabiil iyo gobolaysi meel iska dhignaa oo inagoo mid ah dalkeena ilaashanaa.dalkeenu dagaal buu ku jiraa dhiig baa qubanaya,ciidankeenii cadaw buu wajahayaa oo furin buu ku jiraa iyo dagaal dalka lagaga xoraynayo cadawga afka duuban ee isu soo bahaysta dabar goynta soomaaliyeed.waa in nafta la huraa dalka la xoreeyaa. waxaan idiin wadaa Bishaaro ogaada dawladeena soomaaliyeed iyo dalkeenu waa guulaystay cadawgii soomaaliya iyo dawaldiid iyo daba dhilifna xiligoodii waa dhamaaday,waxaana guulaystay wadaniga soomaaliyeed.Soomaaliya way kabaxday xiligii ay beel u af duub naan jirtay.

 

W/Q: Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com