DHAGEYSO: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu xiray Muqdisho

0

Ciidamada Amaanka ee Dowladda Soomaaliya, ayaa Xalay weerar ku qaaday hooyga Siyaasiga A.A. Warsame kaasi oo ka dhashay khasaaro dhimasho leh.

Waxaa iska horimaad xoogan uu dhex maray Ciidamada Amaanka iyo kuwa siyaasga A.A. Warsame.

Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa bartiisa Facebooga ku sheegay in 4 ruux oo ka mid ahaa ilaalada Siyaasiga ay ku dhinteen weerarkaasi.

Iska horimaadka kadib, ayaa Ciidamada Amaanka waxaa u suuro gashay in ay xabsiga dhigaan Siyaasi A.A. Warsame.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka oo baxay Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Soomaaliya.