Daawo Sawirrada:-Wadooyinka Gaalkacyo oo lagu Guuleystay in la Furo

1

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed  jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod ayaa ku Guuleystay in ay furaan wadooyin horay ugu xirmay dagaalo ka dhacay Gaalkacyo.

Taliyaha iyo Madaxweynaha ayaa ku lugeeyay qeyba ka mid ah magalada Gaalkacyo oo horay u kala xirneyd, kadib mrkii ay fureen.

Wadada la furay ayaa ah mid  Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo marta si bulshada labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ay iskudhex galaan.

Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa saakay amar ku bixiyay in la furo wadooyinka xiran dhanka Galmudug isaga uuna hada ku sugan waqooyiga Gaalkacyo.

 

Comments are closed.