DHAGEYSO:-Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. Diini oo ka hadlay saadka uu Mareykanka ka Jarayo CXDS.

0

Warbixin lagu qoray wakaalada wararka ee  Reuters ayaa waxaa lagu sheegay  in la musuq-maasuqay saadka looga tala galay ciidamada xooga ee dalka, islamarkaana  Ciidamada qaar ee lacagahaas la siin jiray ay yihiin Maleeshiyaad, taasi oo Mareykanka ay ku tilmaameen mid aan loo dul qaadan karin.

Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada  ay keeneyso go’aanka Mareykanka uu ku sheegay inuu ku joojinayo Saadka uu siin jiray Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed.

“Hadii ay Qorshahan ku dhaqaaqaan Mareykanka waxaa ay saameyn adag ku yeelan doontaa howlgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab”.

Isku soo wada duuboo Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali  Diini ayaa waxaa kale oo uu sheegay saadka sheegay Mareykanka in uu ka goosanayo Soomaaliya in aan la siinin Ciidamada dowlada oo dhan balse kaliya la siiyo Ciidamada xooga dalka ee ku kala sugan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

HOOS KA DHAGEYSO