Midowga yurub Oo Ka Walaacsan Xaalada Murugsan Ee Qudus

0

Kulan ay madaxda 28-ka Dal ee ku bahoobay Midowga Yurub ku yeesheen Shalayto Magaalada Brusseles ayaa lagu qaaddacay hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa inay Israa’iil leedahay Qudus.

Madaxda Midowga Yurub ayaa Qudus ku tilmaamay Magaalo Caalami ah oo ka dhaxaysa dhammaan Diimaha Dunida ka jira, isla maraana aan loo aqoonsan Karin lahaanshiyaheeda Dowladda Israa’iil oo qura.

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in arrinta lagu xalliyo wada xaajood, waxanay mar kale dhaleecayn dusha uga tuureen aqoonsiga Madaxweyne Donald Trump uu ugu aqoonsaday inay Qudus tahay Caasimadda Israa’iil.

Madaxweynaha Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa sheegay inaanan marna la beddeli Karin taariikhda, wuxuuna intaa raaciyay inuu doorkooda ku aaddan Qudus bannaan yahay,isagoo mar kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara arrintaasi.