DHAGEYSO: Sii Hayahay Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Muqtaar oo faah faahin ka bixiyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

0

Sii hayaha xilka Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay nin soo xirtay Jaakada Qaraxda inuu soo dhexgalay Ciidamo quraax cunayay, kadibna uu isku qarxiyay.

Inta la xaqiijiyay 18 Askari oo Boolis ah ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaminta ee saakay ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.