TOP NEWS DHAGEYSO:-Saraakiil Sar Sare Oo Ka Tirsan Al Shabaab Oo Kusii Qul Qulaya Xadka Kenya Ay Lawadaagto Somalia

0

wargayska Dailly Nation dalka Kenya oo soxiganaya Taliyaha Qeybta 43 aad ee Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee Gobolka Gedo  General Ismail Sahardiid aya sheegay in Saraakiil sare oo katirsan Xarakkada Al shabab oo kaso qaxaya  Duqeymaha Mareykanku kafulinayo Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan magalada Jilib ay soo gaaren Gobolka gedo  xuduuda laleh magaaladda mandheera ee dalka Kenya

Wargayska ayaa sheegay hogaamiye sare oo katirsan xarakkadda Al shabab oo lagu magacaabo Axmed diiriye Loona yaqaano Axmed cumar iyo Ciidankiisiba ay kasoo baxsadeen duqeymaha xoogan ee diyaaradaha Mareykanku ay la beegsanayaan Fariisimaha Xarakkada Al shabab ee kuyaala gobalka jubbada hoose

Taliska mareykanka ee Afrika ayaa maalin kahor sheegay  in duqeymo cirka ah ay ka fulieen meel 65 km u jirta magaalada caasimada ah muqdisho halkaa oo ay ku beegsadeen dagaalyahano katirsan Al shabab ayagoo sheegay in ay burburiyeen gaari waxyaaba qarxaa laga soo buuxiyay oo kusoo wajahnaa magaaladda muqdisho sida ay hadalka u dhigen

Mareykanka ayaa wacadku marey in uu siwadidoono Weerarada uu ku wajahaayo xarakkadda Al shabab ilaa ay xididada u siibaan doonto xarakkada Al shabab oo ka arrimisa degmooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan dalka soomaaliya

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka