Sarkaal ka Tirsan Mareykanka Oo Amar Ku Bixiyey In La Baaro Dhacdadii Deegaanka Bariire

0

Taliyaha ciidamada mareykanka ee AFRICOM ayaa dalbaday in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyay dadkii lagu dilay howl gal bishii august ee sanadkan ay deegaanka Bariire ka sameeyeen ciidamada mareykanka iyo kuwa dowladda federaalka ah ee somaliya.

Col Mark Cheadle oo ah af hayeen u hadlay howl galka mareykanka qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in taliyaha ciidamada AFRICOM General Thomas Waldhauser uu weydiistay waaxda baaritaanada dambiyada in ay baaritaan dheeraad ah ku sameeyaan weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobalka shabeelada hoose.

Warkan ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar uu helay taliska AFRICOM oo ku aadan in dadkii lagu dilay bariire ay dhamaantood ahaayeen rayid beeraley oo ay caruur ku jireen.

Labada sarkaal ayaa codsaday in la sameeyo baaritaan sax si loo ogaado xogta dhabta ah ee ku aadan weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire oo mareykanka ay sheegeen in ay halkaasi ku dileen dagaalyahano ka tirsanaa alshabaab.

Gudoomiye ku xigeen dhinaca amniga ee maamulka gobalka shabeelada hoose ayaa hore u sheegay in howl galkii ka dhacay deegaanka Bariire lagu dilay 10 ruux oo ahaa beeraley oo ku jireen caruur iyo haween.