Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhintay weerar ka dhacay Muqdisho

0

Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay, 15 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo uu fuliyay nin naftii hore ayaa lagu beegsaday Ciidamo Boolis oo tababar ku sameenayay Xerada Tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 17 ruux.

Waxaa sidoo kale ay tilmaameen in Askar ku dhaawacantay halkaasi loo qaaday isbitaal.

Xarakada Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka ayaa shaaciyay in ay ku dileen ugu yaraan 25 askari.

Waxaa ugu dambeyn ay sheegeen in ay kotdhin doonaan weerarada ka dhanka ah xarumaha Dowladda ee Magaalada Muqdisho.