Howlgallo ballaaran oo Xalay laga sameeyay Magaalada Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Magaalada Caasimadda ah ee  Muqdisho.

Waxaana howlgalladaasi Ciidamadu ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dhalinyaro la sheegay in xilliyada Habeenkii ay dhac ka geysan jireen Degmadaasi.

Waxaana ay tilmaameen in haataan baaritaano ay ku socdaan Raggaasi, islamarkaana xusay in ay Sharciga la tiigsan doonaan.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Cabasho ay ka soo yeereysay shacabka ku dhaqan Kaaraan oo ka Cabanayay Kooxo Habeenkii dhac ka geysta Degmadaasi.