Dhageyso:-Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxii Saakay ka dhacay Dugsiga Janaraal Kaahiye

0

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed, ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye guuto Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Saakay ka dhacay Dugsiga Tababarka ee  Janaraal Kaahiye

Waxaana uu shegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 18 Askari, kuna dhaawacmeen 15 kale oo ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Mukhtaar ayaa beeniyay in ruuxa is qarxiyay uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.