DHAGEYSO:- Shirka Iskaashiga Dalalka islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

0

Waxaa maanta lagu wadaa in dala Turkiga uu ka furmo shir uu iclaamiyay Madaxweynaha Turkiga.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda wadamo badan oo islaam ah.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ku sugan Dalka Turkiga si uu uga qeyb galo Shirkaasi.

Ujeedka loo qabanayo Shirkan ayaa sidii halmeel looga soo jeesan la haaa go’aankii Madaxweynaha Mareykanka uu ku aqoonsaday Magaalada Qudus in ay tahay Caasimada Israaiil.

Cabdi Nuur oo ah Cilmibaare Soomaaliyeed oo ka shaqeeya TV-ga TRT ee Istanbul ayaa si faah faahsan uga hadlay shirkaasi iyo wax la isdhihi karo way ka soo baxayaan.