DHAGEYSO+SAWIRRO:- Qorshaha 5-Sano Ee Soo Socota Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Oo La Soo Bandhigay

0

Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Dalka ayaa maanta soo bandhigay Istaraatiijiyada 5 Sano ee soo socota Guddigaasi uu ku shaqeyn doono.

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka ayaa sheegtay in qorshahan loogu talagalay in si hufan loogu shaqeeyo dhammaan Xisbiyada ka jira Dalka.

Waxaana ay tilmaamtay in qorshahan uu noqon doono mid saldhig u ah Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Dalka.

Sidoo kale Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa ka Codsatay in Istaraatiijiyadan oo ay ku shaqeyn doonaan 5 Sano ee soo socota ay kala shaqeyso Dowladda iyo cid walbo oo ay Quseyso.

Dhankiisa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa soo dhaweeyay Istaraatiijiyada 5 Sano ee Guddiga Doorashooyinka oo ay soo diyaariyeen xubnaha Guddigaasi.

Waxaana uu ku Amaanay Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan, sida ay uga soo shaqeeyeen Istaraatiijiyadaasi.

Guddiga doorashooyinka ayaa dar dar galinaya howlaha doorasho ee Sanada 2020-ka, iyadoona dhawaan 8 Xisbi Siyaasadeed ay ka guddoomeen Waraaqadaha Aqoonsiga.