DHAGEYSO:- Madaxtooyada Somaliland oo beenisay warar laga baahiyay warbaahinta.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxtooyada Somaliland faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xuseen Cige Deyr oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxtooyada laga celiyay Wasiiro, sidoo kalena loo diiday in ay ka duulaan Garoonka.

Xuseen Cige Deyr ayaa Wuxuu ka digay dadka wararka been abuurka ah ee sal iyo raad midna aan laheyn ku marin habaabinaya bulshada, wuxuuna tilmaamay in hada masuuliyiinta ay wataan shaqadooda.

HOOS KA DHAGEYSO