Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo gaaray Magaalada Cadaado+SAWIRO

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi baallaran uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro ka mid ah Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado.

Mudane Xaaf ayaa lagu wadaa in uu Saxafada kula hadlo Magaalada Cadaado uuna ka warbixiyo Safarkii uu dhawaan ku tagay Jabuuti iyo Heshiiskii Maamulka Ahlu Sunna uu kula galay Magaalada Muqdisho.