WAR DEG DEG: Weerar ka dhacay Gobolka Baay oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada maamulka Koofur galbeed iyo ciidamada xoogga dalka.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuubakar ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa koofur galbeed ay weerar ku qaadeen deegaan hoos-taga degmada Buurhakaba.

Waxaa uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid dhulka ah oo aanay duqeyn cirka aheyn, isla markaana Al-Shabaab looga dilay tobaneeyo dagaalamayaal, hubkoodana laga soo furtay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen hal nin oo laga soo qabtay, kaasoo la geeyay saldhiga degmada Buurhakaba.

Ciidamada Koofur Galbeed iyo ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii u dambeeyay howl gallo ka waday deegaano hoos-taga Buurhakaba, iyadoo deegaanada qaar ay dagaalo goos goos ah ay ka dhacayeen.