TOP NEWS:-Qaramada Midoobay Oo Milaayiin Dollar Ugu Deeqday Abaaraha Somalia

0

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in lacag gaareysay 12.3 milyan oo dollar ay ugu deeqday somaliya si looga hortago abaar lagu cabsi qabo in dalka ku dhuftay sanadka 2018ka.

Xafiiska isku xirka howl gargaarka bani,aadinimo qaramada midoobay ee somaliya oo marka magaciisu la soo gaabiyo la yiraahdo UNOCHA ayaa sheegay sanduuqa gargaarka gargaarka qaramada midoobay ee somaliya.

Xiriiriyaha gargaarka qaramada midoobay ee somaliya Peter de Clerq ayaa sheegay in lacagtaasi lagu maareyn doono ila iyo 30 mashaariic oo looga hortagayo abaaraha ku soo fool leh somaliya gaar ahaan goobaha ugu halista badan ee ay saameyaan abaaraha.

Mr de clerq ayaa xusay in saddex meelood labo ka mid ah lacagtaasi in loo adeegsan doono in dadka dhibaateysan lagu gaarsiiyo cunooyin,biyo nadiif ah,nafaqooyin iyo dhinaca caafimaadka.

Xiriiriyaha ayaa sheegay in lacagtaasi aysan ku filneyn baaxada abaarta laga cabsida qabo,balse waxaa uu sheegay in ay baadbaadin karto nolosha dadka nugul.

Dhawaan ayaa waxaa qaramada midoobay iyo qaar ka mid ah hay,adaha kale ee gargaarka ay ugu baaqeen dalalka deeqaha bixiya in la uruuriyo lacago badan oo wax loogu qabto abaarta sanadka .

Madaxa gargaarka qaramada midoobay ayaa dhawaan sheegay in loo baahan yahay in la qaado talaabooyin lagu baadbaadinayo abaarta ku soo wajahan Somali oo ku tilmaamay mid halis ah