TOP NEWS:- Madaxweynaha JFS Farmaajo oo beri safar shaqo ku tagaya dalka Masar.

0

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkan safar ku tagaya dalka Masar, kaddib markii uu bishii Agoosto ee sanadkan uu booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri u kicitimaya magaalada Sharm El-Sheikh, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galayaan Illaa shan Madaxweyne Afrikaan ah iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Shirka Africa 2017 Forum ayaa ka dhici doona magaalada Sharma El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika.

Isku soo wada duuboo Madaxweynayaasha Rwanda, Guinea, Comoros iyo Ivory Coast ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Ganacsiga Afrika.