Rag Ka Tirsan Al Shabaab Oo Iska Soo Dhiibay Magaalada Diinsoor Ee Gobolka Baay

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaa oo wata Gaari nuuca ay Soomaalida ay u taqaano Cabdi-bile ah ayaa maanta iska dhiibay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shik-shigow ayaa Sheegay Dagaalamayaashaan ay isku soo dhibeen Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Baay laguna wareejin dhawaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo.

“Waxaa is soo dhiibay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab oo gaarayo ilaa 7 Askari ,waxaa ay wataan gaari Cabdi-bile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof iyo hal sarkaal oo wata Ciidankaasi, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada Soomaaliya ” Ayuu yiri guddoomiye Diinsoor.

Xubnahan Shabaab ka tirsan ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo

khayaas ahaantii 154-KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan mudooyinkii la soo dhaafay.