TOP NEWS:- Madaxweyne farmaajo Oo U Amba Baxay Dalka Masar

1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo Magaaladda Sharma Shiikh ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona Madaxweyneyaasha Wadamada Guinea, Comoros, Ivory coast, Rwanda, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

 

Comments are closed.