Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

0

Ciidamada ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in qarax Miino Saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka Degmada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay Gaari Cabdibile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda qaraxan, waxa ay Barahooda Internetka ku baahiyeen in ay ku dileen illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi.

Waxaana saakay howlgallo ballaaran Ciidamada Dowladdu ay ka wadaan Duleedka Baladweyne, inkastoo aysan faah faahin ka bixin baaritaanadaasi.