Khilaaf horleh oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Al shabaab

0

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Argagaxisada Al shabaab, taasoo sababtay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in Horjooge Axmed Diiriye oo ugu sareeya Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Argagaxisada u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya.

Horjooge Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Aragagaxisada Al shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye oo ah Horjoogaha kooxda,Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye  Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka Horjoogayaasha Al shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab waxaa soo kala dhex galay kala shaki ah dhexdooda ah.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo fahmay Ujeedada guracan ee Nabad diidka Al shabaab ayaa sidoo kale walwal xoogan ku abuuray horjoogayaasha Argagaxisada, iyagoo ka walwalaya halkii ku noolaan lahaayeen maadaama shacabka ay u soo gudbinayaan Ciidamada Xoogga dalka macluumaad ku saabsan qorshaha ay maleegayaan iyo meelaha ay doonayaan inay u baxsadaan Al shabaab oo gabalkooda uu sii dhacayo.

Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo Horjoogayaasha Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada guracan ee Nabad diidka oo sii daciifeysa, waxaana Horjooge Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaagal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye.

XIGASHO SONNA