Dhageyso:-Shir Ay Soo Qaban Qaabisay IGad Oo Ka Furmay Jabuuti

0

Kulan looga hadlayo ka hortaga xagjirnimada oo ay soo qaban qaabisay urur goboleedka ayaa kasoconaya Magaalada Djabuuti ee dalka Jabuuti,

Kulankani oo lagu waddo in uu soo gabagaboobo 9 ka bisha ayaa waxaa ka qaybgalaya, ilaa iyo  50 qof  oo iskugu jira Saraakiil katirsan dowladaha soomaliya, Xubno ka socda Culumaa,udiinka, Hogaamiyasha dhaqanka, iyo xubno kamida ururada Bulshadda,

Abebe Muluneh oo ah u qabilsanaha Igad dhanka banaamijyda Aamanka ayaa sheegay in Xarkaada Al shabab ay tahay qatarta kaliya ee hortaagan nabad iyo xasilooni ka dhalata soomaaliya guud ahaaan gobolka geeska Afrika oo idil,

Abebe ayaa xusey in dowladda soomaliya, dowladaha gobolka iyo beesha caalamku ay ku dagaaleen sidii Xarakada Al shabab looga Adkaan lahaa basle Qatartoodi wali taagan tahay,

Sidokale waxa uu sheegay in Al shabab ay marin habaabiyaan qaybo muhiim ah oo kamida bulshadda sida, Culumaa.udiinka, dhalin yarada, iyo  haweenka sida hadalka u dhigey, Islamarkaaana loo baahan yahay in la iskaa kaashado sidii looga hortagi lahaa Arrintaasi,

Guunaanadka  iyo gabagabadda kulanka ayaa lafilayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku Aadan sida looga hortagi karo Xagjirnimadda,ayadoona kaqaybgalayaashu ay iswey daarsandoonan Aragtiyo ku Aden arintaasi

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka