Daawo Sawirrada:-Wafdi Ka Socda QM iyo Talyaaniga Oo Gaaray Hobyo

Garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Hobyo maanta ka dagtay diyaarad siday wafdi ka socda hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunta WFP iyo xubno ka socda safaaradda Talyaaniga. Wafdigan ayaa sidiiran waxaa garoonka ugu soo dhaweeyey Madax ka tirsan Galmudug iyo maamulka Degmada.

Wafdigan ayaa loo galbiyey gudaha magaalada halkaas oo ay kulan kula qaateen Masuuliyiinta, saraakiisha WFP ayaa u tagay Hobyo si ay u kormeeraan mashaariic halkaasi ka socota oo ay maalgaliyaan iyo qiimeyntii ugu dambeysay sida ay mashaariic balaaran uga fulin lahaayeen halkaasi.

sidoo kale WFP ayaa daneynaysa in mucaawinada u socota deegaanada Galmudug laga soo dajiyo dekekada Hobyo sida Saraakiisha ay sheegeen.

Dhanka kale Xubnaha ka socday safaaradda Talyaaniga ayay aheyd markii ugu horeysay ay halkaasi tagaan, iyagoo sheegay in deegaanada Galmudug ka fulin doonaan mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha Xabsi weyn iyo taageeridda hay’adda cadaalada iyo kuwa amniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Gadiidka Bajaajta oo lagu eedeeyay Amni Daradda Garowe
- Feb 22, 2018
Magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa xabsiga lagu guray Gadiidka Bajaajta kuwaasoo lagu ...
DHAGEYSO:-Wasiirka amniga soomaaliya oo soo diray fariin ku socota siyaasiyiinta hamiga xun
- Feb 22, 2018
Maxamed abuukar islaw ducaale wasiirka amniga soomaaliya ayaa hadal u muuqda in uu fariin ...
TOPNEWS:-Dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo Doolar oo lagu qabtay Dalka kenya
- Feb 22, 2018
Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Nin u dhashay dalka Tanzaniya ka ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Yariisow” Canshuuro laga qaado Shacabka kuma dhacdo Qasnadda dowladda”
- Feb 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan ...
AKHRISO:- Itoobiya oo siideyneysa Maxaabiis badan oo Ka Tirsan Ururka ONLF
- Feb 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay  Xabsiga ...