Akhriso:-Heshiiska Galmudug Iyo Ahlusunna Ay Ku Gaareen Muqdisho

0

Munaasabad lagu Saxiixayo Heshiiskii ay wada gaareen Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa  lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaana ka qeyb  galaya Munaasabadani Madaxweynayaasha Galmudug , iyo Ahlusunna iyadoo uu Goob joog uu ka yahay Munaasabadaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galayWasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Waxaa kaloo Munaasabadaasi Goob joog ka ahaa Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Labada dhinac Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku heshiyay in Madaxa Xukuumadda Galmudug loo Magacaabo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan , in la isku daro Xildhibaanada labada dhinac iyo Taliyayaal Ciidan loo Magacaabo saraakiil ka tirsan maamulka Ahlusunna Waljamaaca.