Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal, ayaa maanta la kulmay Wafdi  uu hoggaaminayey Ergeyga Midowga Yurub u jooga Soomaaliya,  iyaggoo kawada hadlay dar dar gelinta dagaalka Nabad diidka lagula dagaalamay, dhismaha iyo qalabeynta  Ciidanka Xoogga dalka.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone, ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’antahay taageerada Dowladda Soomaaliya dhinacyada amaanka iyo dib u dhiska ee ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana ay Muhiimad gaar ah siin doonaan dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo warbaahinta Qaranka la hadlay,  ayaa Midowga Yurub ku ammaanay garab istaagga dowladda Soomaaliya ee joogtada ah,  waxaana uu ugu baaqay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu  jiraan in Soomaaliya mar kale cagaheeda ay ku istaagto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala ...
Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya
- Dec 16, 2017
Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka ...
DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay burburinta Dowadda
- Dec 16, 2017
Culimada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in markan ay ka digaan burburinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Cali ...
DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo taageero u muujiyay Madaxweyne FARMAAJO
- Dec 16, 2017
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u istaagay taageerida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shacabka ...
DHAGEYSO: Iska horimaad culus oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
- Dec 16, 2017
Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Punland iyo kuwa Galmudug ayaa Xalay ...