DAAWO: Somalia iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis taariiqi ah+SAWIRO

0

Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa muddo 30 sano kadib waxaa maanta markii ugu horeysay ay kala saxiixdeen heshiis taariiqi ah.

Heshiiska labada dhinac ayaa waxuu ku saabsan yahay dhanka horumarka, waxaana mushruuca heshiiskan ku kici doona lacag dhan 300 oo milyan oo doolar.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Maalgashiga ee Somalia, Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxuu sheegay in uu heshiiska la galay Hay’adda horumarinta caalamiga ee Mareykanka (USAID).

Wasiir Xasan ayaa waxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay maamuli doonto taageerada ama gargaarka uga yimaada Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Taariikhi ah la gashay Mareykanka muddo 30 sano ah kadib.Participated in a side meeting where MoPIED signed first Bilateral Development Agreement with US Gov't (USAID) worth over $30M. Going forward the FGS will co-authorize the USAID resources to Implementing Agencies in Somalia.

Slået op af Midnimo Qaran KDS i 5. december 2017

Waxaa uu ku tilmaamay heshiiskan mid taariiqi ah oo adkeynaya xiriirka u dhaxeeya Dowladdaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Heshiiskan u dhaxeeya Xukuumaddaha Washington iyo Muqdisho ayaa maanta waxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.