FAALLO:- Soomaliyeey Sharmaake iyo Shakuur xal inooma hayaane aynu iska qabanno. Dowladeenune aynu taageerno.

Iyadoo Dowladnimada Soomaaliya ka jirta ay maalinba meel soo gaareysay ayaa hadda waxaa muuqda hormar lataaban karo oo ay ku talaabsatay dowladda uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Shacabku Jecelyihiin ee Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Farmaajo oo la rumeysanyahay in ay ka go’antahay in dalka uu cagihiisa isku taago isla markaana u diyaarsan in uu maalin arko soomaaliya oo caalamka intiisa kale la jaanqaada, ayaa hanaan siyaasadeed oo dhexdhexaadnimo ku dheehantahay kula dhaqmay dunida inteeda kale, isagoo ka fogaaday in habayaraatee aysan soomaaliya ku milmin siyaasado isdiidan oo aysan dani ugu jirin shacabka iyo dowladda soomaaliya midna.

Nasiib darro waxaa ka garab furmay oo Dalka qalalaaso siyaasadeed ineey ku abuuraan u istaagay shakhsiyaad soomaaliya magac iyo maamuus midna aan ku laheyn kuwaas oo ay hormuud u yihiin cumar cabdirashiid sharmaake iyo cabdiraxmaan cabdishakuur oo Raisal Wasaare iyo wasiir dalka kasoo noqday, waxayna shakhsiyaadkani ku sifoobeen u adeegayaal shisheeye oo aan rabin in Soomaaliya ay markale cagaheeda dib ugu istaagto.

Sharmaake iyo shakuur ayaa muqdisho iyo dalalka dariska ah ku laasluushaya xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaaliya iyo qaar kamid ah hogaamiyayaasha maamul goboleedyada, iyagoo qeybinaya lacag ay dowlado Shisheeye usoo dhiibeen oo loogu talagalay in dalka lagu galiyo khalkhal siyaasadeed iyo mid amni, arintaas oo ay dowladda soomaaliyane si dhaw ula socoto.

Go’aan dhexdhexaadnimo ah oo ay Dowladda soomaaliya ku hagtay Xiisadii Khaliijka ayaa sababtay in Dowladda Qadar ay soomaaliya ugu deeqdo lacag gaareysa 200 oo milyan oo Dollarka mareykanka ah halka Dowladda Imaaraatka Carabka oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tagayne ay ku yaboohday 600 oo milyan oo Dollar, Sidoo kale Dowladda Sacuudi Arabia ayaa iyadune kabadan ku deeqday, waxayna arimahan oo idil imaanayaan iyadoo Soomaaliya ay Qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah oo ka dhan ah Xiisada ka dhex tafan dowladaha walalaha ee Khaliijka.

Shakhsiyaadkani ayaa markii ay u caalwaayeen in ay abuuraan khilaaf siyaasadeed oo madaxda dalka ka dhex dhaca, waxay bilaabeen in ay Baarlamaanka tira yar oo kamid ah ay abaabulaan kuwaas oo doonaya ineey geeyaan Mooshin ka dhan ah madaxda dalka, Walow Xildhibaanada qaran doonka ah ee Dowladda kusiyaasadda ah ay katiro iyo tayo badanyihiin shakhsiyaadka lasoo laaluushay.
Soomaalida ayaa hal-hays ka dhigatay waayadaan “ Mooshin keene iyo miino aase waa isku mid” arintaas oo dhacday xilligii dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh hogaaminayay Alleyelehe manta ayeyba ooraahdaas mudankeeda tahay marka aad firiiso sida madaxda dalka iyo shacabku u wada shaqeynayaan iyo sida ay daneystayaal u doonayaan in ay dalka curyaamiyaan.

Soomaaliya Beec ma ahan mana hor istaagi karaan Dowladnimada Dalka shakhsiyaad caadeystay u adeegidda Shisheeyaha oo aan dan kalaheyn samata bixinta dalka ee ay dowladeena mashquulka ku tahay.

Hadaba maxaa la gudboon shacabka iyo dowladda soomaaliya?

Waa weydiinta ugu muhimsan ee ay isweydiinayaan Falanqeeyayaasha Siyaasadda iyo dadka sida dhaw ula socda arimaha socda ee ay hormuudka u yihiin shakhsiyaadka aan magacyadooda kor kusoo xusnay.

Waxaa la gudboon shacabka iyo dowladda soomaaliyaba in ay meel uga soo wada jeestaan shakhsiyaadka doonaya in hormarka soomaaliya ay siistaan shlimaad ay shisheeye kasoo qaateen, iyagoo hubanti ay tahay hadii shacabka iyo dowladda ay meel kawada istaagaan arimaha la xiriira khalkhal abuuritaanka ay adeegayaaasha shisheeyaha u maleegayaan soomaaliya in dalka marna uusan gadaal soo eegi doonin, Dowladda soomaaliya oo kasbatay quluubta kumanaan shacab ahne waxaa la gudboon in ay xoojiso xiriir wanaagga kala dhaxeeya shacabka oo ah cidda kaliya ee ay ka go’do hor u socodka soomaaliya iyo dib u dhaceedaba.

Gunaanadkii waa in aan garab istaagnaa dowladeena kuna taageernaa hormarka ay dalka ku hageyso,taasi oo suuragal ka dhigi karta guul kasta oon gaarno in ay tahay mid loo aayi doono, mana ahan inaan qabyaalad iyo qurun ugu dhag raaricino dad qolofka soomaali ka ah lakiin ay saarantahay maskax iyo maan shisheeye.

Soomaaliya qof iyo labo ma hor istaagi karo Dowladnimadeeda, ee shisheeye kalkaalow Gabalkaa dhac.

Guul Soomaaliya
Nabad iyo Nolo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Amina says:

    waxaan maqli jiray “shinbirba shinbirkiisuu la duulaa”c c sharmarke iyo c c shakuur mid walba ehelki qof ah markaad isla soo qaadaan waxay ku oran war naga daaya kaasi waa xoolee ,mid walba beesha uu ka dhashay neynaas cajiib ah bay ugu yeeraan sida sooma hoyde(shakuur),waxay kale oo wadaagaan hunguri xumo ,wadaniyad xumo ,siyaasad xumo , caqli xumo ,hadal xumo-waa nimankii badda iibshay ,waa nimanka hadda dalal shisheeye lacago uga soo qaatay si dalka iyo dawladda loo jilaafeeyo-imaaraadku astaanta uu ku xushay labadooda waa liidasha gaarka ah ee ay maran yihiin qof kale oo soomaaliyeed inuusan yeelayn bay maleeyeen,farta baana loogu fiiqay inay jiraan niman xilal hore soo qabtay ,lana jitaabshay oo wax damiira aan laheyn inay jiraan –saas baan lagu soo helay lagu doortay
    laakiin soomaali bay u taal aan aragno bal ccsharmaarke iyo ccshakuur meeshay nacasnimo ku furto

  2. 21 says:

    ASC waxaan la yaabanahay kuwii shalay badda gatay maantana dekedaha gadanaya waxay iyaga iyo madaxweyne goboleed yadoodaba AYDADKA u sheegayaan!!
    Ma waxay rabaan inay na dhahaan Reer hebel ayaanahay ILEEN WAX KALE OO AY NOOSHEEGAAN MA HAYAANE.
    XIL WAYSOOQABTEEN WAXAYNA GATEEN DHULKII SOOMAALIYEED QABIILNA SHACBIGA SOOMAALIYEED MA DOONAYAAN .
    MARKA MA WAXAY NOOSHEEGAYAAN INAY DAMBIILEYAAL YIHIIN BES WAAN OGNAHAY INAAD DIMBIILEYAAL TIHIIN SUGTA MAXKAMADA IYO CADAALADDA IYO GARSOORKA INTA LA DHISAAYO OO AY KA HARSAN YIHIIN MAALMO UUN :::CUMAR SHUKULAATO IYO SAAXIIBKIIS.

  3. cubeyd says:

    Kuwa bada iibsaday&kuwa muwaadinka somaliyeed xabashida ka iibsaday maxaad Kukala jeceshay mise caqliga ilkyarta ayaa sidaa ufekara

  4. Ibrahim says:

    war nimankaasi waa madax sare waana akhayaar yaqaan si wax loo maamuulo iyo nidaam dowladeed, farmaajo iyo khayre waxba xukun dowladeed kama yaqaaniin dowladooda waxaa loogu yeeraa candho wadaaga, mana soo marin somaliya dowlad ka liidata haday ahaan lahayd xaga amniga iyo xiriirka caalamka iyo xiriirka umada somaliyeed dhexdeedaba. waxaa xaqiiq ah farmaajo iyo wiilka seedigiis ahi inay yihiin masiibo iyo bur bur ku yimi umada somaaliyeed waayo waa lagu hungoobay. 14 Octoper 2017 waa maalin aan marnaba ka go ayn quluubta umada soomaliyeed waa miin 500 dad ka badni ay saacad ku nafwaayeen 500 ku dhaawacmeen, sidoo kale muwaadin Qalbi dhagax marnaba kama baxayo quluubta umada soomaliyee mana ahayn arin horay uga dhacday dowlad soomaliyyed in muwaadin loo gacan geliyo cadowgii soo jireenka ahaa. musuqa iyo siyaasad xumida baahsan waa mid ceeb ku ah qaranimada soomaliyeed. waxaa xaqiiqa ah Cumar c/rashii inuu dalkan waxbadan ka qabtay hadaytahay dhanka dib u heshiisiinta maamul dhisida qabashadii doorashadii ugu danbaysay ee khasaartay iyo badbaadintii bada somaliya oo la aantiis aanba lays waydiiyeen cid warka haysaana aysan jirin sida uu sheegay gudoomiyaha maxakamada sare iyo qareemadii u heelanaa howshaas dacwada bada cidii aan is yeel yeelayn ayadoo duuban yutube ka haka raadsato hadalka gudoomiyaha iyo qareemada ay ku sheegeen in cumar c/rashiid bad baadshay bada, almuhiim taariikhdaa qoridoonta dowlada candho wadaaga iyo dowladihii ka horeeyay balse qorax sacabo laguma qarin karo.

  5. abdi says:

    asc wr wb Ibrahim wax aad ku hadasho weydey ee wax iskula har iska daa qof jecleysiga,kuwa aad leedahay waa akhyaar waa kuwa soomaalya badeeda iibsDEY ÖÖ DAWLADA SHIsheeyo u sixiixay oo gadey,




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Daawo Sawirrada:-Wadooyinka Gaalkacyo oo lagu Guuleystay in la’isku Furo
- Dec 16, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Taliyaha Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed  jenaraal Cabdi ...
Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala ...
Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya
- Dec 16, 2017
Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka ...
DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay burburinta Dowadda
- Dec 16, 2017
Culimada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in markan ay ka digaan burburinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Cali ...
DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo taageero u muujiyay Madaxweyne FARMAAJO
- Dec 16, 2017
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u istaagay taageerida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shacabka ...