DHAGEYSO WAREYSI:- Xildhibaano Ka Shiray Fulinta Xukunkii Dilka Ahaa Ee Askarigii Dilay Wasiir Cabaas Siraaji

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga  soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ka yeeshay Xukunkii dilka ahaa ee lagu diray Askarigii dilay Wasiir Siraaji iyo waxa loo fulin la’yahay.

Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibanada Aqalka Sare ayaa kulanka kadib waxa uu ka warbixiyay qodobadii ay isla soo qaadeen iyo wixii ka soo baxay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadalad loo helo.

 

Wax uu sheegay in arrintaan ay hakad gashay, isla markaana laga joogo mudo 7 Bilood ah xukunkii lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabaas iyo waxa loo fulin la’yahay.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in arrintu ay hakad ugu jirto Madaxweyne Farmaajo oo Go’aanka ugu dambeeyo leh oo laga rabo in uu Saxiixo fulinta dilka toogashada ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhawaan ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya isla markana ay kala hadli doonaan sababta loo fulin la’yahay Xukunka lagu riday Askarigii dilay Cabaas Siraaji .

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Senotar-ka oo dhameystiran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala ...
Soomaali lagu dilay rabshado ka dhacay Itoobiya
- Dec 16, 2017
Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah halkaasi ay ka ...
DHAGEYSO: Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay burburinta Dowadda
- Dec 16, 2017
Culimada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in markan ay ka digaan burburinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sheekh Cali ...
DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo taageero u muujiyay Madaxweyne FARMAAJO
- Dec 16, 2017
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u istaagay taageerida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shacabka ...
DHAGEYSO: Iska horimaad culus oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
- Dec 16, 2017
Iska horimaad culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Punland iyo kuwa Galmudug ayaa Xalay ...